Axmed Madoobe oo Damacsan Fishilinta Qorshe ay wado dowlada federaalka

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa wado abaabul uu ku doonayo in ciidamada maamulkiisa weeraro ku qaadaan deegaano gacanta ugu jira dagaalamayaasha Al Shabaab.

Axmed Madoobe oo hada ku sugan magaalada Dhoobley ayaa wada kulamo uu la leeyahay saraakiisha ciidanka Jubbaland , waxa uuna Axmed Madoobe doonayaa in ciidankiisa duulaan ku qaadaan gobolka Jubada Dhaxe .

Sida aan xogta ku heleyno Axmed Madoobe ayaa doonaya in uu duulaan deg deg ah ku qaado gobolka Jubada Dhaxe gaar ahaan degmada Bu’aale oo ah caasimada Maamulka Jubbalanbd .

Axmed Madoobe ayaa doonaya in uu ka hortago duulaan dowlada federaalka Soomaaliya ku dooneyso in kula wareegto gobolka Jubada Dhaxe gaar ahaan magaalada Bu’aale si halkaasi looga sameeyo maamul kiisa kasoo horjeeda.

Dowlada Federaalka ayaa ciidamo badan geesay degmooyinka Gobolka Gedo oo horey gacanta ugu jirtay maamulka Jubbaland, waxa ay dowlada hadana damacsan tahay in la wareegto gobolka Jubada Dhaxe si loo fashiliyo maamulka Axmed Madoobe.

Gobolka Jubada Dhaxe guud ahaan waxaa hada gacanta ku haya Xarakada Al Shabaab, lamana oga loolanka loogu jiro qabsashada gobolkaasi halka uu ku dambeyn doono iyo cida ku guuleesan doonta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -