Madaxweyne Farmaajo oo Ciyaaraya Xeelad Siyaasadeed xili ay jirto xiisad

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaan wali ka hadlin xiisada Siyaasadeed ee ka dhax aloosan Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Mooshinka laga keenay Gudoomiye Jawaari.

Sida aan Wararka ku helnay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn ula socda xiisada taagan iyo waxa ay salka ku hayaan, waxa uuna Madaxweynaha ciyaarayaa xeelad siyaasadeed uu ku doonayo in uu isaga fogeeyo xiisada taagan.

Madaxweynaha ayaa maalmihii lasoo dhaafay saldhig ka dhigtay Wasaarada Gaashaandhiga si uu uga soo dhax baxo mashquulka iyo guuxa siyaasadeed ee ka jira xarunta Madaxtooyada.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ogyahay mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxa ayna xuseen in Madaxweynaha u muuqdo mid raali ka ah mooshinkaasi maadaama uusan ka hadlin.

Mooshinka laga gudbiyay Jawaari Xildhibaanada saxiixay ayaa u badan Xildhibaanada taageersan siyaasada Madaxweyne Farmaajo iyo Xukuumada Kheyre, waxaana mooshinkan dusha laga saaray kaliya in laga soo abaabulay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Farmaajo ayaa ciyaaraya siyaasad labo afley ah uu ku doonayo in eeda isaga fogeeyo, waxa uuna Madaxweynaha aqbali doonaa hadii xilka laga qaado Jawaari, halka hadii uu mooshinkan ka bad baado Jawaari Madaxweynaha isku muujin doono in uu arintan dhax dhaxaad ka ahaa.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in uusan xiligan socon karin mooshin aa laga wadin Madaxtooyada Soomaaliya, waxa ayna siyaasiyiinta aaminsan yihiin in Madaxweynaha iyo R/Wasaaraja iska war qabaan si dhawna ula socdaan waxa socda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marar badan ka gaabsaday ka hadalka xiisado siyaasadeed oo dowlada wajahday, waxaana hada muuqata in Madaxweynaha uu ciyaarayo siyaasad uu isaga leexinayo xiisada hada taagan oon wali kala cadeyn halka ay ku biyo shuban doonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -