Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Dil ka dhacay xarunta Inji ee magaalada Dhuusomareeb iyo Faah faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in askari katirsan ciidanka Ahlu Sunna lagu dhax dilay xarunta Inji oo ah halka ay degan yihiin hogaanka sare ee Ahlu Sunna.

Sida aan wararka ku helnay dilka askarigan oo katirsanaa ciidanka Ahlu Sunna gaar ahaan ilaalada Wasiirka Amniga Galudug Saadaq Sheekh Yuusuf waxaa ka dambeeyay askari kale oo isna katirsan ilaalada Wasiirka.

Ciidamada Ahlu Sunna ee ku sugan xarunta Inji ayaa gacanta ku dhigay askariga dilka geestay, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in dilkan uu salka ku hayo muran soo kala dhax galay labada askari.

Amaanka magaalada Dhuusomareeb waxaa gacanta ku haya ciidamo ka amar qaata dowlada federaalka Soomaaliya, ciidamada Ahlu Sunna ayaana ku xareesan xarunta Inji oo kutaala meel ku dhaw Madaxtooyada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jadwalka doorashada Xildhibaanada Banaadiriga oo la shaaciyey (Akhriso)

Caydiid Ali

G/Sare Shuute oo kashifay sababaha ay dilalku ugu soo bateen Muqdisho

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey dagaalo qaraar oo ka socda bartamaha Magaalada Khartuum

Caydiid Ali