Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Donald Trump oo hanjabaadii ugu cusleyd hawada u mariyay Iran

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ugu hanjabay dowlada Iiraan in cawaaqib xumo kala kulmi doonto hadii ay dib u bilowdo in ay sameesato hubka halista ah ee Nukliyeerka.

Donald Trump ayaa ka baxay heshiiskii dhinaca hubka Nukliyeerka dowlada Mareykanka la gashay Xukuumada Tahran, waxa uuna sheegay Madaxweynaha in heshiiskaasi uu ahaa mid hal dhinac ah.

Madaxweynaha Mareykanka si cad uma sheegin waxa ay noqon doonto cawaaqib xukumada dowlada Iiraan la kulmeyso hadii ay dib u bilowdo Mashruuceeda hubka Nukliyeerka.

Donald Trump ayaa sidoo kale ku goodiyay in Iiraan kusoo rogi doonaan cunaqabateyntii ugu adkeyd abid, waxa uuna sheegay in dowlada Iiraan ka shaleyn doonto hadii ay dib ugu laabato sameynta hubka Nukliyeerka.

Wadamada Reer Galbeedka ayaa intooda badan kasoo horjeestay Heshiiska ay ka baxday dowlada Mareykanka, waxaana wali Wadamadaasi ku adkeesanayaan in heshiiskaasi sidiisa uu kusii socdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo iyo dagaal toos ah oo lagu qaaday kolonyo ay wateen Ciidamada AMISOM

Caydiid Ali

Xildhibaano ka soo jeeda Puntland oo ka hor yimid Wasiiradii DF ee shalay ka hadlay Garowe

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo digniin soo saartay & cabsi ka jirta gobolada dalka qaarkood (Akhriso)

Caydiid Ali