Warbixin ku Saabsan Buuga Soomaaliya Janno Aduun oo la Bur buriyay !!

Buuga Soomaaliya Janno Aduun oo la bur buriyay, Waa book ka hadlaya dalkeena Soomaaliya ee dagaaladu aafeeyeen, wuxuu buugani soo bandhigayaa oo uu ku bilaabayaa khayraadka Boqorka sare uu siiyay Soomaalida, siduu dalkaani ahaa dagaalada ka hor, siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, nabadgelyo ahaan, Warshadihii Dalka, Mashaariicdii Horumarineed iwm, dhamaan intaas aan soo sheegnay waxay ku jiraan Part 1 oo cinwaankeedu yahay “SHALAY” ama “YESTERDAY

Qaybta 2aad Parrt II waxaa ay ka hadlaysaa dagaaladii kadib “Post War” 1990 oo aheyd bilowgii burburkii xadaaradii ‘ Ilbaxnimadii Soomaaliya’ dagaaaldii dalka, bur burintii hantidii dadweynaha Soomaaliyeed, kaabayaashii dhaqaalaha, qaxii 1aad 1990, Qaxii 2aad iyo Qaxii 3aad iyo tahriibka, qaxootiga Soomaaliyeed ee Dunida daafaheeda u kala cararay, yaa bur buriyey Soomaalya? Iyo xalka Soomaaliya, kuna turjuman Sadex luqadood ( Luqada Soomaaliga, Carabiga & Ingiriisiga) bogagiisuna 270 pages.

Buugan waa mid iska yara liita (Humble) ujeedkiisuna yahay in Bulshadan lagu xasuusiyo hantida muga weyn leh ee Maamulka Sare (SW) uu deeq ahaan u siiyey Soomaalida oo keliya oo aanayn cid kale uusan siin. Buugani ka hadlimaayo qoys ama qabiil iyo koox gaar ah hayeeshee wuxuu si guud ahaaned uga hadlayaa in Soomaaliya ay ahayd amaba tahay “DESTROYED WORLD PARADISE” ‘’Allah Knows everything’’

Buugan Waxaa qoray Dr Cabdalla Xaaji Cabdi (Xabad) waxaana  markiisii ugu horeysay la daabacay sanadkii 1430 HJ – 2009 ilaa mudadaasna la keydinay Isagoo markiisii hore lagu daabacay luqada Ingiriisiga ka dibna loo turjumay Luqada Soomaaliga ( Buugani hada mid af Soomaali ku qoran.

Waxii Faah Faahin ah kala Xiriir

NB: Buugan waxaa laga heli karaa maktabada buugaagta QALOCOW PRINTING CENTER/XAREED ama kala xiriir wixuu faah faahin ah TEL: 2526- 77373227/252-614441027

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -