Dad loo xirxiray qarax dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Kismaayo

Ciidamada amaanka Jubbaland ayaa howlgalo ka wada xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose.

Howlgaladan ayaa ka dambeeyey markii xalay fiidnimadii rag hubeysan ay bam ku tuureen dhalinyaro ku fiidsaneysay biibito ku taalla isgoyska Golol oo ku dhow aargada magaalada Kismaayo.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxaas halka dad 10 ka badana ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dhamaantood ka mid ahaa shacabkii ku sugnaa biibitada oo sidoo kale la sheegay in lagu ciyaari jiray dubnada.

Ciidamada amaanka ayaa la sheegay iney howlgalada ku soo qabqabteen rag badan oo markii dambe qaarkood la sii daayey iyadoo kuwa harayna la xirxiray si loogu sameeyo baaritaano dheeri ah.

Weli ma jirto cid sheegatay qaraxaas, mana cadda ujeedada laga lahaa iyo cida lala beegsanayey, iyadoo magaalada Kismaayo aan looga baran qaraxyada noocan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -