Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Puntland oo fariisimo hor leh ka saaray Daacish (Sawirro)

Cutubyo ka mid ah Ciidamada difaaca Puntland oo maanta hawlgal qorshaysan ka fuliyay buuraha Calmiskaad ayaa halkaasi ku dilay ajaanib ka tirsanaa maleeshiyaadka Daacish.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ah ee Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamada au hawlgalkaasi ku dileen xubno ka tirsan Daacish, balse saraakiishu ma bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan tiradooda.

“Ciidanku waxay dileen Ajaaniib Argagixiso Daacish ka tirsan” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka kooxaha Argagixisada ah ee Puntland

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Puntland la wareegeen Talisyo ay kooxda Daacish ku laheyd degaanka Bali dhidin ee gobolka Bari

Puntland ayaa dhowaan bilowday howlgal balaaran oo buuraleyda gobolka Bari looga sifeynayo kooxda Daacish oo halkaas ku leh fariisimo waaweyn, waxaana howlgalkaas cirka ka taageeraya mararka qaarkood dayuuradaha Mareykanka.

Related posts

NISA oo soo bandhigtay dagaalyahano ka soo goostay Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirro laga soo qaaday Teendhada Afisiyooni iyo Xildhibaano badan oo tagay

Cabdi Cade

Maxbuus Xabsi uu ku xirnaa si farsameesan uga baxsaday !! (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---