Dad Soomaali ah oo dibed-bax cabasho ah ka dhigay Schweinfurt (Sawirro)

Magaalada Schweinfurt oo ku taalla gobolka Bayern ee dalka Jarmalka ayaa waxaa ka dhacay banaanbax weyn oo ay ka qeyb qaateen Soomaali boqolaal gaareysa.

Soomaalidan banaanbaxa dhigay oo iskugu jiray dhalinyaro wiilal iyo gabdhabo leh ayaa socod nabadeed ku maray wadooyinka magaaladaas qaarkood.

Dadka dibed baxayey ayaa ka cabanaya Kaam halkaas ku yaalla oo ay muddo dheer ku jiraan iyo mustaqbal la’aanta heysato, iyagoo xusay ineysan heysan sharci ay ku shaqeystaan ayna iska ilowday arintooda dowlada Jarmalka.

Siyaasi ka tirsan xisbiga cunsuriga ah ee AfD oo lagu magacaabo Richard Graupner ayaa sheegay in banaanbaxaasi uusan aheyn mid la aqbali karo, uuna ka dhigan yahay Mahadnaq iyo Abaal la’aan.

Dalka Jarmalka ayaa waxaa mudooyinkan aad ugu soii kordhayey Soomaalida magangelyo doonka iyo nolol raadiska ah kuwaasoo siyaabo kala duwan ku tagay dalkaas, waxaana tirada Soomaalida ku nool dalkaas lagu qiyaasay 50,000 kun oo qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -