Allbanaadir.com
NEWS

Cabsi laga muujiyey dayuurada Qatar siineyso Trump

Diyaaraddii ay Qadar u soo bandhigtay madaxweyne Trump oo saraakiil amni oo Maraykan ah ay ka muujiyeen walaac dhinaca amniga ah sida uu qoray Wargeyska Washington Post:

Diyaaradda raaxada leh ee Boeing 747-8 oo Qatar ay u soo  bandhigtay madaxweynaha  Maraykanka Donald Trump hadiyad ahaan ayaa walaac weyn ka dhalisay saraakiisha ammaanka iyo kuwa milatariga Mareykanka sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah.

Trump ayaa laga yaabaa inuu ku qasbanaado inuu ka tanaasulo qaar ka mid ah heerarka amni ee hadda jira si uu u isticmaalo diyaaradda, oo qiimaheedu lagu qiyaasay $400 milyan.

“Hadiyadd deeqsinimo ah ” iyo “Diidmo nacasnimo ah”

Madaxweynaha  Mareykanka Donald Trump ayaa amaanay hadiyadda Qatar isagoo sheegay in qof kasta oo diida hadiyad $400 milyan ah uu yahay “nacas”.

Trump wuxuu sheegay inuu rabo inuu isticmaalo diyaaradda mudo sanado ah inta ay dowladdiisu diyaarinayso diyaaradaha cusub ee Boeing oo loo diyaarinayo si waafaqsan heerarka adag ee amniga ee loogu talagalay “Air Force One”.

Wuxuu intaas ku daray in diyaaradda Qatar ay aad uga casrisan tahay diyaaradaha hadda u adeegsado  madaxweynaha Mareykanka, kuwaasoo laga dhaxlay xilligii madaxweyne George H. W. Bush sanadihii 1990-meeyadii.

Trump wuxuu yidhi: “Haddii aad eegto diyaaradaha qaar ka mid ah wadamada Carabta oo la ag  dhigayo dhinaca diyaaradda Maraykanka, waxay u egtahay in diyaaradani  ka timid meerayaal kale.”

Related posts

Booliska Muqdisho oo howlgal qorsheysan ku soo qabtay nin dilay Sargaal booliis (Sawirro)

Caydiid Ali

Kenya oo meel dhigatay go’aankii ay qaadan laheyd haddii Somalia loo xukumo Badda

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Biden oo Baaskiil ka dhacay xili uu salaamayey taageerayaal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---