Heshiiskii hubka ee taarikhda ugu weynaa ayaa Sucuudigu la galay Mareykanka, waxayna Riyadh kasoo iibsan doontaa Washington hub qiimihiisu yahay 142 bilyan oo dollar oo u dhiganta miisaaniyada Soomaaliya mudo 142 sano ah, waa hanti marka Sucuudiga loo eego aan koob shaaha agtooda kala badneyd laakin marka Soomaalida loo eego qiimo aad u wayn ah.
Heshiiskani waa mid balaadhaan wuxuuna Sucuudigu helayaa nidaamyada gantaalada difaaca cirka sida nidaamyada THAAD iyo Patriot, diyaaradaha dagaalka ee shiilka shanaad waxaa loo badinayaa iney ku jiraan diyaaradaha casriga ah ee F-35, taangiyo iyo gaadiid dagaal oo cusub, raadaro cusub iyo isgaadhsiin ciidan oo casri ah, waxaa intaa dheer in ciidamada Sucuudigu heli doonaan tababaro milatari oo kor loogu qaadayo awoodooda.
Waxyaabaha kale ee heshiiska ku jira waa in Sucuudigu heli doono ilaalin ammni oo toosa oo Mareykanku siinayo, iyo tiknooliyad casri ah oo lagu xoojinayo ammniga xeebaha Sucuudiga gaar ahaan kahortaga khatarta ammni ee badda iyo budhcad badeedka.
Heshiiskan wuxuu qayb ka yahay balanqaad maalgashi oo dhan 600 bilyan oo dollar oo Boqortooyada Sucuudigu ku sameynayso Mareykanka, waxaana maalgashigaasi ku jira Sirdoonka macmalka ah, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tamarta.
Dhinaca kale marka laga eego heshiiskani maaha mid hub iibsi oo kaliya ku kooban, wuxuuna Sucuudiga uga dhigan yahay horumar wayn oo istaraatiijiyadeed oo dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha iyo Ammniga ah, wuxuuna xoojinayaa Xidhiidhka istaraatiijiga ah ee Sucuudigu la leeyahay Mareykanka, isagoo gacan ka geysanaya in Riyadh ay noqoto xulafada ugu wayn ee Washington ku leedahay bariga dhexe.
Ugu danbeyn khuburada siyaasadu waxay heshiiskan ku sheegeen mid uu Sucuudigu ku muujinayo inuu yahay quwad goboleed leh awood dhaqaale iyo milatari.
