Farmaajo: “Waxaan ognahay in dowlad goboleedyada qaarkood dalal shisheeye soo dhisteen”

Madaxweynaha dowlada Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bixiyey wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo ku saabsan xaaladaha ka jira dalka sida siyaasadda, khilaafka maamul goboleedyada, xiriirka dowladaha deriska la ah Soomaaliya, doorashooyinka soo soo socda iyo arrimo kale oo khuseeya xaalada guud ee dalka.

Farmaajo oo wax laga weydiiyey saddexdii sano ee lasoo dhaafay waxaa u qabsoomay dowladiisa ayuu sheegay inuu ku qanacsanyahay wax qabadka dowladiisa siyaasadda dalkana ay xasiliyeen balse waxa uu qiray in weli ay dhibaato ka heysato sidii ay rumeyn lahaayeen riyada shacabka Soomaaliyeed.

Mar wax laga weydiiyey waxa uu salka ku hayo khilaaf dowladiisa iyo maamulka Puntland ayuu Farmaajo sheegay in muddo laba jeer ah uu Puntland tegay intii uu talada hayey Madaxweyne Deni, dhawr jeerna uu ka dalbaday in uu Xamar yimaado si loo xaliyo arrimo badan oo ka dhexeeya labada dhinac balse aysan taas weli dhicin.

“Madaxweynaha Puntland Walaalkey Saciid Deni dhowr jeer ayaan Xamar ku casuumay oo aan ku iri walaalow hana dul marin ee bal mar nagu soo deg oo noo imaaw, aan wada fariisano, balse kama suurta gelin” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Isqabqasiga ka taagan bixinta shahaadada arday reer Puntland waxa uu ku tilmaamay mid nasiib darro ah, isagoo xusay inuu aad uga xun yahay in muran la geliyo mustaqbalka arday Soomaaliyeed, balse waxaa uu sheegay in xalka arintaas loo baahan yahay inuu ka wada yimaado dhinacyada oo dhan isagoo xusay ujeedada dowlada dhexe ay tahay tayeynta waxbarashada dalka.

Farmaajo ayaa dhinaca kale xusay dowladda Kenya uu khilaaf muranka badda ah kala dhaxeeyo Soomaaliya, iyadoo taas ka duuleysana ay fara gelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, si gaar ah waxa uu farta ugu fiiqay mamaulka Jubbaland.

“Kenya waxaa naga dhexeeya muran dhinaca badda ah, meel kasta ayeyna u mareysaa sidii ay saameyn ugu yeelan laheyd Jubbaland, anagana ma dooneyn Jubbaland in ay u ekaato wax naloo is ticmaalo, cidii la shaqeyneysana waxaan u aqoonsanaynaa qof aan danta Soomaaliya ka shaqeyneyn” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in maamul goboleedyada qaarkood ay xiriir toos ah la leeyihiin dowlado shisheeye oo aan ka shaqeyneynin maslaxada iyo midnimada ummada Soomaaliyeed.
“Waxaan ognahay in maamul goboleed yada qaarkood dowlado shisheeye ay soo dhisteen aynna fara-gelin qaawan ka wadaan gudaha dalka. Dowladaha shisheeye marki ay arkeen Madaxweyne & Raisalwasaare isku duuban Maamul Goboleedyada ayaa waxa ay noqdeen hub Dowladaha shisheeye ay u addeegsadaan Dowlada Dhexe, waxaa se ayaandarro ah in marki aan isku daynay inaan xakameyno faragelinta shisheeye in Maamul Goboleedyada ay u arkaan in dowladooda ay fara-gelin ku heyso oo ay kaga kalsoon yihiin dowladaha shisheeye. Hadal sax ah ma aha in dowlad la yiraahdo dalkeeda ayay faragalineysaa, waxa aynna kamid tahay dhaqan-siyaasadeed ka xun ee aan ku dadaaleyno inaan ciribtirno”. ayuu yiri madaxweynaha.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA FARMAAJO OO DHAMEYSTIRAN..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -