Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka Dibaddiisa oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo sannado ah ku xirnaa dalka Liibiya oo ay u tageen in ay kasii tahriibaan.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamse Aadan Xaadoow, ayaa ku soo dhoweeyay gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho, sagaal muwaadin oo Soomaaliyeed oo dib loogu soo celiyay dalka.

Soo celinta muwaadiniintani oo ay iska kaashadeen Waaxda Arrimaha Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hey’adaha IOM iyo UNHCR ayaa ka qeyb ahaa dadaallo soo billowday 27 February, 2018 oo lagu soo daabulay boqolaal Soomaali muhaajiriin ahaa oo ku xayirnaa dalkaasi Liibiya.

Dalka Liibiya waxaa ku xiran sidoo kale ku xayiran muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaa oo dalkaasi u tagay in ay kasii tahriibaan una gudbaan waddamo kuyaalla Yurub.

Related posts

(Sawirro) Gantaalo lagu weeraray garoonka Baqdaad oo waxyeelo u geystay dayuurad rakaab ah

Caydiid Ali

Daawo :-Damaashaadka iyo Dabaal dega Maalinta Ciida ee Magaalada Muqdisho

admin

Dowlada Somalia oo soo saartay go’aan ka dhan ah Maamulka Somaliand (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---