Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha oo maanta la magacaabo iyo Farmaajo oo…

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka cusub ee federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo arbaco ah lagu wadaa in kulan wadajir ah ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulankan sida wadajirka ah u iclaamiyeen guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka ayaa looga hadlayaa arrimaha doorashada gaar ahaan magacaabista guddiga doorashada Madaxweynaha.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa iska dhax dooran doona guddiga qaban qaabinaya doorashada Madaxweynaha, waxaana xildhibaanada la filayaa in xubnahaasi qaab gacan taag ah ku meel mariyaan.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga yaabaa in lagu qabto wax kayar labo isbuuc sida wararku sheegayaan, waxaana socda olole xoogan ay wadaan qaar kamid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha isku soo taagay.

Madaxweyne Farmaajo oo mar kale u sharxan xilka Madaxweynaha ayaa ka cabsi qaba in xubnaha guddiga doorashada mar kale u bataan xildhibaano mucaarad ah, taa uu ka cabsi qabo in doorashada u maamulaan si uusan jecleysan.

Doorashada Madaxweynaha ayaan wali cadeyn in ay cod ku yeelan doonaan xildhibaanada 16-ka ah ee lagu soo doortay gobolka Gedo kuwaa oo horey loo diiday in ay cod ku byeeshaan doorashadii guddoonka gollaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -