Allbanaadir.com
NEWS

Fiqi oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Safiirka Turkey

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa la kulmay Safiirka Turkiga, Danjire Alper Aktaş, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Amniga Madaxtooyada Turkiga, Hasan Yıldırım, iyo saraakiil kale.

Waxay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga difaaca iyo la dagaallanka argagixisada.

Wasiir Fiqi ayaa Turkiga uga mahadceliyay taageeradooda joogtada ah.

Labada dhinac waxay adkeeyeen sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga amni ee labada dal.

Fiqi ayaa ku dadaalaya in la xoojiyo taageerada Turkey ee Milatariga Soomaaliya

Sidoo kale howlaha Turkey si toos ah loo soo gaarsiiyo wasaaradda gaashaandhiga xilli ay jireen warar sheegay in howlgalada milatariga ee dalka Turkey uu wali gacanta ku haayo wasiirkii hore ee Gaashaandhiga.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka taageerada ugu badan iyo tababaradaba siiya ciidanka xoogga dalka oo dagaal kula jira mudo 15 sano ka badan xoogaga hubeysan Al shabaab.

Related posts

Wasaaradda arrimaha gudaha oo ka mahadcelisay Kalsooni ay siiyeen Siyaasiyiinta KG

Cabdi Cade

Britain oo xabsiga dhigtay saddex qof oo lagu eedeynayo Basaasnimo

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo taageero iyo garab istaag u ballanqaaday Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---