Dhaqtar ku xeel dheer Qaliinada Lafaha iyo Daaweyntooda oo yimid Isbitaalka Kalkaal

Kalkaal speciality hospital oo kamid ah xarumaha Caafimaad ee kuyaala Muqdisho ,waxa uu bulshada Soomaaliyeed ogeysiinayaa in Isbitaalka uu yimid dhaqtar u dhashay Hindiya oo ku taqasusay cudurada lafaha gaar ahaan qaliimada lagu sameeyo lafaha iyo kabistoosa.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ayaana Isbitaalka ku war galinayaa in ay ka faa’iideestaan dhaqtarkan dalka u yimid sidii uu qaliino iyo dawaeyn ugu sameyn lahaa cudurada lafaha iyo dhaawacyada Ciyaaraha.

Dhaqtarka yimid Kalkaal ayaa ku xeel dheer qaliinada iyo daaweynta cuduradan:

1-Qaliimada Bedelida Sinaha

2-Toosinta Lafaha qaloocday

3-Xiriirinta Seedaha go’an

4-Kabista lafaha bur buray

6-Daaweynta xanuunada lafaha ku dhaca

Isbitaalka Kalkaal ayaa dhamaan qaliimadan u iisticmaali doona qalabka casri ah oo loo isticmaalo qaliinada dunida hada laga sameeyo , waxaana Isbitaalka ka bilaabatay isdiiwaan galinta qaliinada iyo daaweynta cudurada ku dhaca lafaha .

Dhaqtarka fulinaya daaweynta cudurada ku dhaca lafaha iyo qaliimadooda ayaa Ibitaalka joogi doona maalmo kooban, hadaba Bulshada Soomaaliyeed haka faa’iideestan dhaqtarkan dalkooda hooyo loogu keenay.

Isbitaalka Kalkaal ayaa kuyaala inta u Dhaxeysa Isgoosyada Digfeer iyo Banaadir.

Wixii faah faahin ah dheeri ah kala xiriir

0617633661/0617633662/ama Numberka gaaban 4040

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -