Shaki laga muujiyay Xaalada uu ku sugan yahay Wasiirkii Amniga Jubbaland C/Rashiid Janan

Taliska booliiska Soomaaliya ayaa Isniintii shaaciyay in Wasiirkii Amniga jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) uu ka baxsaday xabsi gaar ah uu kaga xirnaa magaalada Muqdisho.

Tan iyo waxii ka dambeeyay markii booliiska shaaciyeen in Cabdirashiid Janan xabsiga ka baxsaday ayaan la ogeyn meel uu jaan iyo cirib dhigayay, waxaana booliiska bilaabeen howlgalo lagu baadi goobayo Janan.

Ehelada Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa hada ka walaacsan xaaladiisa nololeyd, waxa ayna sheegeen ehelada in aysan ka war heyn nolol iyo geeri iyo meel uu ku dambeeyay Wasiirka oo markii ugu dambeeyay u xirnaa dowlada federaalka.

Nabadoon Aadan Maxamed Gurumo oo kamid ah ehelada Wasiirka Amniga Jubbalad ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin xaalada nololeed ee wasiirka, waxa uuna sheegay in shaki ka qabaan in dowlada dishay Janan ayna been tahay in uu baxsaday.

Waxa uu tilmaamay Nabadoonka oo Warbaahinta la hadlay in xiriiro badan la sameeyeen meelo kala duwan,basle aan weli meel lagu sheegin,isla markaana ay aaminsan yihiin in la diley ama uu meel qarsoodi ah ku jiro.

“Anaga tuhun weyn ayaan qabnaa meelo badan ayaan la xiriirey,sida deegaano badan oo katirsan Jubbaland welina meel laguma sheego,dowladda iyadaa gacanta ku heysay waxaan ka rabnaa inay noo cadeyso halka uu ku dambeeyay Janan ”ayuu yiri Nabadoonka.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin halka uu ku dambeeyay Wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo dhoowr bilood dowlada ugu xirnaa xabsiyo kuyaala magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -