Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho (Daawo Sawirro)

Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen Ayaa soo gaaray magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wafdiga waxaa gudaha garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiiro ka tirsan XFS, xildhibaano ka tirsan labada gole, Masuuliyiin ka socday xafiisyada Madaxweynaha iyo Kan Ra’iisal wasaaraha.

Cali Guudlaawe ayaa u yimid Muqdisho ka qeyb galka shir madaxda dowlad goboleedyada iyo DF uga furmaya magaalada Muqdisho.

Madaxda kale ee dowlad goboleedyada ayaa la filayaa iney iyana soo gaaraan magaalada Muqdisho saacadaha soo socda ee maanta ama beri.

Related posts

Wasaarada Caafimaadka oo Digniin adag u dirtay Isbitaalada kuyaala Muqdisho

Cabdi Cade

Qarax gaari oo goor dhow Muqdisho ka dhacay & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Sultan bin Saad Al Muraikhi oo Warqadaha ka gudomay safiirka cusub ee Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---