Allbanaadir.com
NEWS

Qaar kamid ah Kaamirooyinkii Dowlada ku xirtay Muqdisho oo saakay la qarxiyay

Waxaa saakay aroor hore magaalada Muqdisho gaar ahaan laamiga Maka Al mukarama mar qura laga maqlay qaraxyo miino , waxaana qaraxyadan qal qal badan ku abuureen dadka ku dhaqan hareeraha laamiga Maka Al Mukarama.

Qaraxyadan ayaa dhacay xiligii salaada subax waxa ayna dadku inta badan moodayeen in ay hoobiyaal yihiin, hasa ahaatee waxaa saakay la ogaaday in qaraxyada ahaayeen kuwa lagu qarxiyay kaamirooyin dowlada ku xirtay laamiga Maka Al mukarama.

Kaamirooyinkan saakay la qarxiyay goobaha ay ku xiran yihiin ayaa inta badan waxaa ku yaalay baro koontarool ay joogaan ciidamo booliis ah, lamana oga sida sahlan ee goobahaasi loo dhigay qaraxyada miino.

Dowlada Soomaaliya ayaa kaamirooyinkan ugu xirtay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho si ay qeyb uga noqdaan amaanka laguna socdo dhaq dhaqaaqa laamigaasi ka jira

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Fiqi oo balan-qaad u sameeyey ciidamo loo tababarayo Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Sacuudiga oo xabsiga dhigay boqolaal qof oo ay ku jiraan dad ajaaniib ah (Sababta)

Caydiid Ali

Dowladda oo dib u furtay Waddo cusub oo dhagxaan lagu xiray (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---