Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladda Somalia oo sheegtay in 80 Al-Shabaab ah lagu laayey degaanka Shabeelow

WAR-SAXAAFADEED

In ka badan 80 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Daraawiishta Galmudug, Geesiyaasha Deegaanka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen deegaanka Shabeeloow oo u dhaxeeya magaalooyinka Qaycad iyo Bacaadwayne ee gobalka Mudug.

Howlgalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii Ciidanka isgarabsanaya ay weerar qorshaysan ku qaadeen fariisin wayn oo Khawaarijtu ay ku lahayd deegaanka Shabeelow, waxaana howlgalkaan uu socday in ka badan 10-saacadood.

Ciidanka oo si buuxda ula wareegay deegaanka lagu dagaalamay ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta kuwaasi oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo.

Dhanka kale waxaa jira maleeshiyaad gaaraya ilaa iyo 14 kuwaas oo ay qaldeen horjoogayaasha Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Qaranka ee ku sugan gobalka Mudug.

Dowladda oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamiga ah waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, waxaana Dowladdu mar kale uga mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka doorkooda dagaalka ka dhanka ah khawaarigta.

Related posts

Shacabka Dayniile oo mar kale nolosha ku qabtay nin katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Musharaxiin ka qeylo dhaamiyey faragelinta dowlada oo baaq u diray beesha caalamka (Akhriso)

Caydiid Ali

Turkey oo war cusub ka soo saartay kiiska loo heysto wiilka Madaxweyne Xassan Shiikh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---