DF oo war cusub ka soo saartay cudurka COVID-19 & dad cusub oo u dhintay

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin hor leh oo la xiriirta halista cudurka safmarka ah ee Covid 19 iyo saameynta uu ku leeyahay bulshada ka soo saaray magaalada Muqdisho.  .

Baaritaano ay sameysay shalay ayaa waxaa laga helay 44 qof.

Tirada laga baaray Covid-19, 5-tii maalin ee ugu dambeeyay Soomaliya: waa 2,432, Waxaana Laga helay: 44 oo dhamaantood ku sugan degaanada Somaliland.

Dadka cudurka laga helay 34 ka mid ah waa rag, halka 10 soo harayna ay yihiin haween, waxaa ka 19, halka 2 kalena ay u dhinteen sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaarada caafimaadka DF

Tirada Guud ee laga helay cudurka Somalia oo dhan waa 3,941, waxaana ka bogsaday 3,185, halka 104 ay u dhinteen tan iyo markii cudurkan lagu arkay Somalia bilowgii sanadkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -