Madaxweyne Trump oo ku dhawaaqay qorshiisa nabadeynta ee bariga dhexe

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa soo bandhigay qorshihiisii mudada dheer la sugayey ee nabadaynta Bariga Dhexe kaas oo dhigaya in magaalada Quddus noqoto caasimadda Israel ee aan qaybsamin.

Wuxu soo jeediyey in Falastiiniyiintu yeeshaan dawlad madax bannaan iyo in loo aqoonsado goobaha [Yuhuudda lagu] deegaameeyey ee Daanta Galbeed in ay yihiin qaybo ka mid ah dhulka Israel.

Isaga oo barbar taagan ra’isal wasaaraha Israel,Benjamin Netanyahu, oo Aqalka Cad uu ku qaabilay, ayaa Trump wuxu sheegay in qorshihiisu “noqon karo fursaddii ugu dambaysay” ee Falastiiniyiintu helaan.

Madaxweynaha maamulka Falastiiniyiinta, Maxmuud Cabbaas, ayaa ganafka ku dhuftay qorshaas oo ku tilmaanay “shirqool”.

“Trump iyo Netanyahu waxaan u sheegayaa in Quddus aanay iib ahayn, xuquuqdadayadoo dhami iib maaha gorgortanna kama galayno. Qorshahaaga iyo shirqoolkaaguna meel mari maayo” ayuu yidhi isaga oo khudbad ka telefishanka laga sii daayey ka jeedinaya magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -