Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga doorashada federaalka oo laalay natiijada labo kursi oo lagu doortay Baydhabo

War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorashada heer federaal ayaa sheegay in la baabi’iyey natiijada doorashada kuraasta HOP154 iyo HOP103 oo ka dhacday magaalada Baydhabo.

HOP154 ayaa dhowaan loo xoogey xildhibaanad Sareedo Maxamed Cabdalla oo sida la sheegay ku guuleysatay, balse sababta loo laalay ayaa lagu sheegey in musharaxadii malxiiska ahayd ee la tartantay Sareedo aysan qaan-gaarin ahayn, taasina ay keentey in mar labaad dib loogu laabto kursiga tirsigiisu yahay HOP154.

Sidoo kale Kursiga HOP103 ayaa loo laalay sababo la xiriira cabasho ka timid Gudoomiyihii hore ee golaha shacabka oo ku gadhiyey kaasoo laga hor istaagay inuu mar kale u tartamo.

Guddiga ayaa sheegay in kuraastaas lagu celinayo doorashadooda maadaama aan loo marin  habraacii loogu talo galay doorashada

Guddiga doorashada FEIT ayaa leh awood kama dambeysta ah ee aqbalida natiijada doorashada kuraasta iyo Xildhibaanka la soo doorto inuu siiyo kaarka aqoonsiga.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda labo maamul Goboleed oo xaalku ku xun yahay iyo Xasan Sheekh oo Wadatashiyo wada

Cabdi Cade

Dowlada oo shaacisay in Duqeyn lagu dilay Saraakiil katirsan Ururka Al Shabaab

Cabdi Cade

Askar lagu laayey qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Bannu (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---