Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ayaxa dayuurad ku qasbay iney ka laabato garoon ay ku degi laheyd (Sawirro)

Ayax aad u badan ayaa diyaarad rakaab oo ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines ku qasbay in ay qadka bedelato sida maamulka diyaaradaha ee Itoobiya uu sheegay.

Diyaaradda oo ka soo kacday Jabuuti ayaa dooneysay in ay ku degto garoonka magaalada Dirir Dhaba, xilligaasoo duuliyayaasha ay arkeen ayax koronkoro ah oo ku dhacaya matoorka diyaaradda, gaar ahaan qeybta marwaxadaha iyo afka hore.

Waxay isku deyeen in ay ku nadiifiyaan marwaxadaha ay diyaaradda ku duuleyso si uu u kala cararo.

Diyaaradda waxay u jiheysatay dhanka Addis Ababa oo ay ku degtay, sida wararka ay sheegayaan, waxaana ka muuqday raadadka ayaxii faraha badnaa ee ka hor yimid.

Bariga Afrika waxaa hadda weerar adag ku haya ayax duullaan ah oo ah midkii ugu badnaa muddo 25 sano ah, kaas oo dhibaato ba’an ku haya dalaga beeraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xarunta Golaha Shacabka oo Dib loo dhisayo iyo Sheekh Aadan Madoobe oo tagay (Sawiiro)

Cabdi Cade

Wasiiradda Magacaaban oo bilaabay Olole ay ku raadinayaan Kalsoonida Golaha Shacabka (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiiro katirsan xukuumada oo qorsheenaya in shaqada ka tagaan iyo Sababta keentay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---