Wasiiro katirsan xukuumada oo qorsheenaya in shaqada ka tagaan iyo Sababta keentay !!

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa shalay qaab shaki badan abuuray codka kalsoonida ugala noqday Xukuumada Soomaaliya uu hormuudka ka ahaa Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ra’isul Wasaare hore Kheyre ayaana xalay cadeeyay in uu is casilay si uu dalka loo bad baadiyo, waxa uuna sharci daro ku tilmaamay qaabkii Xildhibaanada golaha shacabka u mareen kalsooni kala noqoshadiisa.

Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya aadna ugu dhawaa Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa walaac xoogan lasoo darsay kadib xil ka qaadistii lama filaanka aheyd iyo go’aankii Ra’isul Wasaare Kheyre isku casilay.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Wasiirada qaar ka niyad jabsan yihiin in sii shaqeeyaan, waxaana xubno ku dhaw dhaw wasiiradaasi noo sheegeen in suurto gal tahay in shaqada isaga tagaan kahor inta aanan xukuumad kale lasoo dhisin.

Wasiirada aadka ugu dhawaa kheyre ayaa qaarkood shalay xarunta golaha shacabka la arkayay iyaga oo fooda ka sameenaya kuwaa oo si cad uga soo horjeeday mooshinkii xilka looga tuuray.

Wasiirka amniga gudaha xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa kamid ahaa wasiirada aadka ugu dhaw Ra’isul Wasaare Kheyre, Islow ayaana shalay sharci daro ku tilmaamay go’aanka Baarlamaanka .

Madaxtooyada Somaliya ayaa si gaar ah la sheegay in u bar tilmaameedsaneyso wasiirada aadka ugu dhawaa Kheyre is xulufueesigana ka dhaxeeyay kuwaa oo suurto gal ah tahay in qaarkood shaqada laga sii joojiyo kahor inta aanan xukuumad kale lasoo dhisin.

Wasiiro badan oo Ra’isul Wasaare u muujin jiray taageero iyo garab istaag ayaa la sheegay in shalay qeyb ka ahaayeen radistiisa ,kadib heshiis hoosaad ay la galeen Madaxtooyada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -