Madaxweyne Trump, ayaa farriin adag u diray Putin, isagoo yiri ; “Wuxuu Vladimir Putin, garan la’yahay haddii aanan aniga ahayn wax badan oo xun inay ku dhici lahaayeen Ruushka.. waxaan ula jeeda inuu yahay nin xun, wuxuu ku ciyaarayaa dab.”
Madaxweynihii hore ee Ruushka oo hadda ah guddoomiye ku-xigeenka golaha ammaanka, Dmitry Medvedev oo loo aqoonsan yahay mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu dhow Putin, ayaa isna ugu hanjabay Mareykanka inuu Ruushka dhalinayo dagaalka saddexaad ee adduunka isagoo ka jawaabayey hadalladii ka soo baxay Trump, oo sheegay inuu Putin ku ciyaarayo dab
“Marka la eego ereyada Trump ee ku saabsan Putin “ku ciyaarista dabka” iyo “runtii waxyaabo xun” oo ku dhacaya Ruushka. Waxaan kaliya ogahay hal shay oo runtii xun – Waxaan rajeynayaa in Trump uu tan fahmay!” ayuu yiri Medvedev.
Hadalka Dmitry Medvedev, waa wax u dhigma in looga baahan yahay Trump , inuu eego xaqiiqada Ruushka, oo ku hubaysan nukliyeer, iska horimaad kasta oo lala galana aysan cidna ku guuleysanayn
Hadalka , wuxuu soo bandhigaya burburka gaaray iskudaygii uu Trump ku doonayay inuu guul diblomaasiyadeed ka helo joojinta dagaalka Ukraine, balse tanaasul kasta oo ka yimid dhinaca Trump oo ay xataa ku jirtaI inuu Ruushka qaato dhulka uu heysato ee Ukraine , waxaa lugta ku dhuftay Putin, tana waa inan arki doono xiisadda reer galbeedka iyo Ruushka oo mar kale sare marta.