Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska ayaa uga digtay Israel Haddii aysan joojin dagaalka ay ku hayso Gaza oo aysan qaadin xayiraadaha gargaarka, ay qaadayaan tallaabooyin adag
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK waxa uu muujinayaa cadaadiska isa soo taraya ee caalamiga ah oo lagu saarayo Israa’iil si ay u joojiso weerarrada ka socda Gaza iyo in la hubiyo in gargaarka bani’aadannimo si xor ah loo gaarsiiyo dadka rayidka ah.
Waxay sidoo kale caddeynaysaa in UK ay qaadi doonto tallaabooyin kale oo la taaban karo haddii xaaladdu sii xumaato.
Tani waxayn kaloo muujineysaa isbeddel siyaasadeed oo ku wajahan Israa’iil oo ay qaadayaan dalalkii xulafada kula ahaa dagaalka Qaza, tallaabooyinkaas oo Israa’iil gelin doono in ay go’doon ka gasho dunida inteeda kale.
Xamaas ayaa aqbashay hindise uu soo jeediyay ergayga gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkoff, kaasoo ku saabsan xabbad-joojin 70 maalmood ah oo ka dhacda Gaza.
Hindisahan ayaa sidoo kale waxaa ku jira sii deynta 10 maxbuus oo Israa’iili ah oo ay Xamaas hayso, kuwaas oo lagu sii deynayo laba qaybood, iyadoo la filayo in Israel ay si tartiib tartiib ah uga baxdo qaybo ka mid ah Gaza, isla markaana ay sii deyso boqolaal maxaabiis Falastiini ah, oo ay ku jiraan kuwa xukunkoodu dheer yahay.
Si kastaba ha ahaatee, Israel ayaa diiday hindisahan, iyadoo sheegtay in aysan jirin dowlad mas’uul ah oo aqbali karta heshiiska noocan oo kale ah.
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo wadahadalada socda, isagoo xusay in Mareykanku uu doonayo in uu arko dagaalka oo istaaga sida ugu dhaqsaha badan.