Musharax Tuuryare oo gaaray Dhuusomareeb si wayna loogu soo dhaweeyay(Sawiro)!!

Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynanimo ee maamulka Galmudug ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulkaas.

Tuuryare iyo wafdiga uu hogaaminayo waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay gudoomiyaha dagmada Dhuusmareeb Macalin Nuur Axmed, 43 ka tirsan xildhibaanada cusub ee Galmudug, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah salaadiiinta dhaqanka Galmudug.

Sidoo kale waxaa soo dhaweyntiisa ka qeyb galay guddoomiyaha dhalinyarada Dhuusamareeb Axmed Careys iyo saraakiisha kala duwan ee maamulka Galmudug.

Musharaxa waxaa xaflad soo dhaweyn ah loogu qabtay gudaha garoonka diyaaradaha, waxaana qudbado kala duwan ka jeediyay masuuliyiintii kasoo qeyb gashay.

Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cad-cad doorashada madaxweynanimo ee Galmudug, waana musharaxa kaliya ee aan ka mid aheyn musharaxiinta ay kala taageerayaan dowladda iyo xisbiyada Mucaaradka.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa si xawli ah uga socda ololaha doorashada Galmudug, waxaana gaaray dhamaan musharaxiinta u taramaya xilka madaxweyne.

- Advertisement -