Wasiiradda Magacaaban oo bilaabay Olole ay ku raadinayaan Kalsoonida Golaha Shacabka (Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa soo magacaabay gole wasiirro oo ka kooban 74-xubnood  , waxaana hadda socda dedaalo wasiiradda loogu raadinayo codka kalsoonida xildhibaanada golaha shacabka.

Wasiiradda magacaaban ayaa bilaabay in siyaabo gaar gaar ah ula kulmaan xildhibaanada ku matala golaha shacabka si ay uga codsadaan in ay siiyaan codka kalsoonida kuna taageeraan magacaabistooda.

Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku amray wasiiradda uu soo magacaabay in mid kastaahi la kulmo xildhibaanka matela kana raadiyo codka kalsoonida si xukuumadda u noqoto mid hesha kalsoonida golaha shacabka .

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa la arkayay qaar kamid wasiiradda magacaaban oo kulamo la qaadanayay xildhibaanada matela, waxaana la filayaa in ay sii socdaan kulamada wasiiradda taageero uga raadinayaan xildhibaanada ku beesha ah.

Qaar badan oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa saluugsan habka loo maray magacaabista golaha cusub ee wasiiradda, waxaana jirta cabsi laga qabo in xildhibaanada codka kalsoonidda u diidaan wasiiradda magacaaban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -