Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay James Swan madaxa hawlgalka Kumeelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqaynta u dhexeysa Wasaaradda Gaashaandhigga iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka
Waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray heyadaha shaqooyinka kala duwan la wada Wasaaradda Gaashaandhigga, iyo taageeridda geeddi-socodka Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Wasiirka iyo Madaxa UNTMIS waxay si gaar ah u bogaadiyeen hawlgalladii guulaha lagu gaaray ee ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga dalka, geesiyaasha Macawislayda iyo saaxiibada caalamka.
Qaramada Midoobay ayaa taageero kala duwan siisa ciidanka xoogga dalka ee dagaalka kula jira Al shabaab, kuwaasoo la xiriira dhinacyada Saadka iyo taakuleynta, waxaana u qaabilsan heyad lagu magacaabo UNSOS.