Xarunta Golaha Shacabka oo Dib loo dhisayo iyo Sheekh Aadan Madoobe oo tagay (Sawiiro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta kormeer indha indheyn ah ku tagay xarunta weyn ee Baarlamaanka JFS.
 
Guddoomiyaha ayaa guud ahaan kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay dhismaha weyn ee xarunta Golaha Shacabka, waxa uuna ballan qaaday in dib u dhis balaadhan uu ku sameyn doono mustaqbalka dhow.
 
Waxa uu sidoo kale sheegay gudoomiyaha golaha shacabka marka la dhiso xaruntan weyn ee baarlamaanka sidoo kale lagu soo kordhin doono qayb cusub oo laga dhigayo Machad aqoon kororsi.
 
Xarunta weyn ee golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaan lagu shaqeyn sannadihii ugu dambeyay, waxaana horey dowladda Turkiga u ballanqaaday in dib u dhis iyo casriyeen ku sameyn doonto.
 
Xildhibaanada golaha shacabka ayaa hada si KMG ah ugu shaqeeya uguna qabsada qadashooda xarunta Villa Hargeysa ee ku dhax taala Madaxtooyada Soomaaliya, lamana oga xilliga ay qaadan doonto in dib loo dhiso xarunta weyn ee golaha shacabka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -