(Sawirro) Maxay ku heshiiyeen madaxda Maamulada Hirshabelle & K/Galbeed?

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo kan Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo maanta shir uga furmay magaalada Baydhabo ayaa kaga wad hadlay arrimo badan oo ku saabsan iskaashi dhexmara labada maamul.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta iyo maalgashiga ee dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya & labada dowlad Goboleed, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Safiirka Sweden ee Soomaaliya iyo xubno kale.

Shirkan oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa lagu soo bandhigayaa kaabayaasha dhaqaale ee ay leeyihiin labadaas maamul, gaar ahaan dhanka wax soo saarka beeraha.

Wasiirka Qorsheynta iyo maalgashiga ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Maxamed Nuur Madoobe Nunow ayaa sheegay in labada Maamul ay ku heshiiyeen sidii wadajir looga qeyb qaadan lahaa la dagaallanka Al-Shabaab, dib u dhiska waddooyinka labada maamul iyo iskaashiga kaabayaasha dhaqaalaha.

“Ajandaha shirka waxa uu ahaa oo aan kala hadleynay Midowga Yurub xoojinta amniga guud ee labada dowlad goboleed, xasilinta Nabadgelyada, iskaashiga dhaqaale oo ay yeeshaan labada dowlad goboleed, gaar ahaan horumarinta xannaananada xoolaha, horumarinta beeraha, horumarinta kalluumesiga, dhismaha waddooyinka isku xira labada maamul iyo ka hortagga fatahaadda ka dhalata webiga Shabeelle” ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -