Hantiile Malaayiin Dollar siinaya Dadka ku taxan barta uu Twitterka ku leeyahay !!

Nin Bilyaneer ah oo u dhashay dalka Japan ayaa qaaday talaabo dad badan hadal hayaan , kadib markii uu ninkan balan qaaday in lacag 9-Milyan oo Dollar uu siin doono qaar kamid ah dadka ku taxan barta uu Twitterka ku leeyahay.

Yusaku Maezawa, oo iska leh shirkad ka shaqeysa nashqadaha iyo Faashiyoonka dharka ayaa sheegay in 9-Milyan oo dollar u qeybin doono Kun qof oo kamid ah dadka ku xiran bartiisa Twitterka.

Ninkan Hantiilaha ah ayaa sheegay in dadka lacagtan u qeybin doono kasoo dhax xulan doono dadka badan ee ku xiran bartiisa Twitterka gaar ahaan kuwa sii faafiya qoraalada iyo muuqaalada uu soo dhigo.

Waxa uu sheegay Yusaku Maezawa, in uu doonayo in lacagtan ku ogaado saameynta noloshooda ay ku yeelaneyso dadka la siinayo, waxaana dadka la siinayo lacagtan lagu xiray shuruudo ah in ay joogaan Japan da’doodana aysan ka yareyn 13-sano.

Bilyaneerkan ayaa warbaahinta qabsaday sanadkii hore kadib markii uu sanadkii hore sidan oo kale lacag ku dhaw Hal milyan uu siiyay dad ku tixan bartiisa Twitterka gaar ahaan boqol qof oo si gaar ah loo soo xulay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -