Dagaalyahano kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa lagu soo bandhigay labo nin oo la sheegay in ay katirsanaayeen dagaalyahanada Al Shabaab kuwaa oo kasoo goostay iskuna soo dhiibay ciidanka dowlada.

Saraakiil katirsan Nabad sugida maamulka JUbbaland ayaa Warbaahinta u sheegay in ragan kasoo goostay Al Shabaab xiriir lasoo sameeyeen ciidamo katirsan Nabad sugida sidaasna lagu soo dhaweeyay.

Labadan nin ee lagu soo bandhigay Degmada Balad Xaawo ayaa sheegay in sanado badan katirsanaayeen Al Shabaab ayna hada go’aansadeen in ay kasoo baxaan kooxdaasi, waxa ayna sheegeen in dhibaatooyin badan la kulmeen intii ay kamid ahaayeen Al Shabaab.

Ciidanka dowlada iyo kuwa maamulada ayaa qaar kamid ah gobolada dalka kusoo bandhiga xubno ay sheegeen in ay kasoo goosteen Al Shabaab, mana jiro warar arimahaasi ku saabsan oo inta badan kasoo baxa Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -