Talyaaniga oo cudurka Coronavirus u karantiilay 16 Magaalo (Sawirro)

Ra’iisul wasaaraha Dalka Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa amar ku bixiyay in la xiro gobolka waqooyia ee Lombardi iyo 14-gobol oo kale, taasoo lagu xakameynayo inuu faafo Cudurka Coronovirus oo fara kulul ku haya dalkaas

Tallaabadan, ayaa lagu dhawaaqay Sabtidii, qiyaastii 16 milyan oo dad ah ayaa ku jira halka loo bixiyey (Aaga Cas) illaa iyo 3-da bisha April ee soo socota.

“Waan fahamsanahay in tallaabooyinkan ay u baahan doonaan naf hurid iyo dulqaad, laakiin kani waa dhaq-dhaqaaq mas’uuliyadeed oo isxilqaan ah” sidaasi waxaa yiri Ra’isul wasaaraha Talyaaniga oo shir jaraa’id qabtay.

Tallaabadan degdegga ah ayaa timid kadib markii baaritaanno la sameeyay ay muujiyeen in ay kordheen tirada dadka qaba coronavirus.

Hay’adda ilaalinta rayidka ee Talyaanigu waxay sheegtay Sabtidii in tirada dadka cudurka qaba ay kor u kacday 1,247, taasoo ka dhigeysa guud ahaan dadka qaba cudurka 5,883.

Tirada dadka u dhintay cudurka coronovirus dalka Talyaaniga ayaa hadda gaartay 230 qof, iyadoo saraakiisha caafimaadku sheegeen inay 36 ka mid ah ay dhinteen 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -