Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo kulan xasaasi ah la qaatay James Swan

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Ku-simaha Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorka Puntland ee dowlad dhiska Soomaaliya iyo arrimaha Puntland sida Amniga, nabadeynta, dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarin.

“Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya iyo arrimaha Puntland sida Amniga, nabadeynta, dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarin” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi.

Waxaa Kulanka kala qeybgalay Madaxweynaha Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

Related posts

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw lagu dilay Cabdullaahi Cali Waafow iyo Xubno kale

Cabdi Cade

Warbixin: Maxaad kala socotaa faa’iidada iyo Khasaaraha uu leeyahay Internetka?

Caydiid Ali

Wasaarada Caafimaadka DF oo ka hadashay kiisaskii ugu dambeeyey ee COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---