Madaxweyne Deni oo aad u dhibsaday Ereyo kasoo yeeray Wasiir Cusmaan Dubbe

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si weyn u dhibsaday ugana carooday kalmada ”Jid iyo Jaho Diid” uu dhawaan u adeegsaday Madaxda Puntland iyo Jubbaland Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Deni in ereyga ” Jid iyo jaho Diid ” ula muuqdo mid lagu doonayo in dhiigooda lagu baneesto, waxa uuna tilmaamay in kalmadahaasi yihiin kuwii lagu yaqaanay kooxda Al Shabaab.

” Walaahi ereygaasi jid iyo jaho diid waxyaabaha aan sheegayay ee cabsida abuurayay qeyb kamid ah waaye, waxaan u dhadhansanayaa dhiigiina aan baneesaneynaa oo kale waaye, maxaa yeelay waa kalmidihii Shabaabka lagu yaqaanay,  in anagu Shabaab nakagu sifeeyo waa nasiib daro.” ayuu yiri Madaxweyne Dini.

Madaxweynaha Puntland ayaana sheegay aan la isaga hari doonin kalmadaasi uu Wasiirka katirsan Xukuumada Soomaaliya ku sifeeyay sidoo kale lagu soo daray qoraalkii kasoo baxay dowlada Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa markii uu fashilmay shirkii dhawaan madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ku tilmaamay madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland in ay yihiin jid iyo jaho diid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -