Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Maareeye oo looga yeeray Baarlamaanka kadib mooshin laga gudbiyay (Akhriso)

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa mooshin ka gudbiyay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye , kadib markii xildhibaanadaasi ka caroodeen hab dhaqanka Warbaahinta Qaranka.

Mooshinkan loogu yeerayo Wasiirka Warfaafita xukuumada soomaaliya waxaa gudbiyay 11-Xildhibaan kuwaa oo dalbaday in Wasiirka la horkeeno Baarlamaanka si ay su’aalo uga weediiyaan shaqada Warbaahinta dowlada.

Xildhibaanada golaha shacabka qaarkood ayaa Warbaahinta dowlada ku eedeeyay in aysan dhax dhaxaad ka aheyn doodaha xildhibaanada , waxa ayna sheegeen in laga soo daayo kaliya Warbaahinta dowlada rabitaanka villa Soomaaliya.

 

Related posts

Shir u dhaxeeyay Puntland iyo Beesha Caalamka oo Nairobi ka dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madasha Xisbiyada Qaran oo Caawa war kasoo saaray Doorashada dalka iyo shakiga ay qabaan

Cabdi Cade

Eey dad badan layaabeen oo lagu arkay magaalo kutaalla dalka Ruushka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---