Allbanaadir.com
NEWS

Shir u dhaxeeyay Puntland iyo Beesha Caalamka oo Nairobi ka dhacay (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey shir u dhaxeeyay madaxda maamulka  Puntland iyo Wakiillada Beesha Caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha, kaa oo maanta ku qabsoomay magaalada Nairobi.

Wakiillada beesha caalamka iyo deeq-bixiyeyaasha ka qeybgalay shirka ayaa kala ah : UN, Midowga Europe, Canada, Germany , UK, Sweden , Netherlands, Finland, Denmark, Norway , Switzerland, France , USAID, World Bank iyo African Development Bank.

Maamulka  Puntland ayaa la wadaagtay Beesha Caalamka , horumarka ka socda deegaannada Puntland gaar ahaan dhinacyada Amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada , dimuqraadiyadda iyo fursadsiinta dhallinyarada iyo Haweenka.

Sidoo kale maamulka  Puntland waxay beesha caalamka kala hadashay xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa Puntland iyo deeq-bixiyeyaasha iyo in la hubiyo in deeqaha Beesha Caalamku ay si siman u gaaraan dadka loogu talagalay.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa dhinacooda maamulka Puntland uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Deni ugu hambalyeeyay hirgelinta hannaanka dimquraadiyadda Puntland, soona dhoweeyay xoojinta wada shaqeynta.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni waxaa kulanka kala qeybgalay xuhno ka mid ah Golaha Xukuumadda , La-taliyeyaal Madaxweyne , Wakiilka Puntland ee Kenya iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe iyo Wasiirada Maamulkiisa oo ka shiray arrimo soo kordhay (Sawirro)

Caydiid Ali

Qoor-qoor oo daahfuray mashruuc cusub oo laga fulinayo Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Rooble oo shir deg deg ah isugu yeeray Madax goboleedyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---