Waare & Wakiilka QM ee Somalia oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Jowhar (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare iyo Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa kulankoodii labaad muddo toddobaad ah ku yeeshay xarunta maamulka Hirshabelle ee Jowhar.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Ergeyga Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga, Ku xigeenka wakiilka gaarka ah Midowga Afrika, saraakiil ka socotay Urur goboleedka IGAD.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Madaxweyne Waare iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midobaay James Swan ayaa waxa ay ku faahfaahiyeen kulankii ay yeesheen.

“Waxaan Ka wadahadalnay arrimo ay ka mid yihiin amniga, samafalka, guud ahaan xaalada dalka iyo arrimaha doorashooyinka 2020ka.” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

“Wadahadalo aad u qoto dheer ayaan yeelanay annago dhinacyo badan ka hadalnay” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha Hirshabelle.

Sidoo kale Ergeyga gaarka ah ee Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan oo hadlay ayaa sheegay.

“Waxaan halkan nimid aniga iyo wakiilo ka socda Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo IGAD caasimada Hirshabelle markii labaad ayaan nimid annagoo wadatashiyo la yeelanayno arrimaha Federalka iyo weliba doorashooyinka 2020.” ayuu yiri James Swan.

Waxaan la hadlaynaa dhinacyada kala duwan ee qeybaha bulshada, hogaamiyaasha bulshada si aan u ogaano fikradahooda la xiriira arrimaha doorashoyinka, horumarinta bulshada iyo ammaanka.” ayuu sii raaciyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -