Safiirka cusub ee Boqortooyada Midowday (UK) u qaabilsan Soomaaliya, Charles Nicholas King, ayaa si rasmi ah u yimid magaalada Muqdisho Isniintii, isagoo si buuxda ula wareegay xilka safiirnimo ee dalkaasi.
King oo bishii Febraayo 2025 loo magacaabay xilkan, ayaa beddelay Michael Nithavrianakis, oo xilka hayay tan iyo May 2023.
“Diyaaraddu waxay ka degtay Muqdisho. Waa sharaf weyn inaan bilaabo shaqadayda cusub ee Safiirka UK u jooga Soomaaliya. Waxaan rajeynayaa inaan la shaqeeyo la-hawlgalayaasheena Soomaaliyeed oo aan wax badan ka barto waddankan cajiibka ah,” ayuu ku yidhi baraha bulshada X (horey loo oran jiray Twitter) markii uu yimid.
King waa diblumaasi xirfad leh oo ka tirsan Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka & Horumarinta UK (FCDO) tan iyo 2004. Waxa uu horey uga soo shaqeeyay xilal muhiim ah gobollo kala duwan. Ugu dambeyntiina, wuxuu ahaa Madaxa Wadajirka ah ee Taskforce-ka ama guddi hawlgelineedka Qaza ee Israel/Dhulalka Falastiin ee la haysto (2023–2024), isagoo hoggaaminayay dadaallada diblumaasiyadeed ee la xidhiidha ka saaridda xasillooni darrada gobolka.
Intii u dhaxeysay 2020 ilaa 2023, wuxuu ahaa Madaxa Waaxda Shaqada ee Waqooyiga Afrika iyo Shaam iyo Wakiilka Gaarka ah ee UK u qaabilsan Suuriya, isagoo qaabeeyay siyaasadda Britain ee Bariga Dhexe.
Xilal kale oo uu horey u soo qabtay waxaa ka mid ah: La-taliye Sare oo Arrimaha Dibadda iyo Istaraatiijiyadda ah Safaaradda UK ee Paris (2017–2020), Ku-xigeenka Madaxa Qaybta Siyaasadda ee Baqdaad (2009–2010), Madaxa Xafiiska Suuriya ee Istanbul (2012–2015), iyo Xoghayaha Labaad ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dhaqaalaha ee Dimishiq (2008–2009). Wuxuu sidoo kale ahaa Madaxa Shaqaalaha ee Jonathan Powell, Wakiilka Gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha UK u qaabbilsan Liibiya sannadihii2015–2016.
Wuxuu si fiican ugu hadlaa Carabiga, taasoo ah hanti muhiim u ah shaqada diblumaasiyadeed ee gobolka.
Imaanshihiisa ayaa la sheegay inuu mar kale muujinayo sida ay Boqortooyada Midowday uga go’an tahay xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya, xilli ay jiraan caqabado gudaha iyo kuwa gobolka ka jira.
Waxaana la filayaa in uu hore ka bilaabo shaqadiisa, isagoo kulammo la yeelan doona madax iyo jaangooyayaasha siyaasadda Soomaaliya, kuwaas oo xilligan ay muhiim tahay wadahadallada dhinacyadu.
Isha: BBC