Eey dad badan layaabeen oo lagu arkay magaalo kutaalla dalka Ruushka

Waa dhif iyo mar la arag inuu ey culeyskiisu gaaro 100 kilogaram – iskaba daa mid beylah jooga e, laakiin Krugets oo ah ey keli-jooge ah oo ku nool Nizhny Novgorod, dalka Ruushka wuxuu cayilkiisu gaaray heer aanuba fadhiga ka kici karin!

Dane oo ah eyga ugu culeyska badan caalamka wuxuu weyn yahay inta u dhaxaysa (136 kg) ilaa (181 kg). Novgorodna wuxuu ku taagan yahay jidkaas! Dhawaan ayaa la helay isaga oo cidlo joog ah.

Eygan Wejigiisa ayaa laga fahmi karaa sida cayilku uu ugu hayo dhibaato muuqata. Kooxaha daryeelka xayawaannada waxay sheegayaan inuu habeen walba la taaho xanuun uu dareemayo.

Qofna ma fahmi karo sababta ka dambeysa cayilka sida qeyrul-caadiga ah u koray jirka eygan cidlo joogga ah oo aan qofna la nooleyn. Qof kaliya ma himlin karo ama kor uma qaadi karo keligiis. Waxay qaadanaysaa labo qof iyo ka badan inay saaraan gaari iyo wixii la halmaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -