Al Shabaab oo shaacisay Magacyada Masuuliyiin iyo Saraakiil ay sheegeen in ay ku dileen Weerarkii SYL

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay fiidkii weerar toos ah ku qaaday Hotelka SYL oo kamid ah hoteelada sida weyn amaankooda loo ilaaliyo sidoo kale kuyaala meel aan ka fogeyn aqalka Madaxtooyada Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku qaadeen Hotelka SYL ay ku dileen dad ka badan 20-qof ay sheegeen in ay ahaayeen masuuliyiin katirsan dowlada, ciidamo iyo sidoo kale qaar kamid ah Shaqaalaha dowlada.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka ay ku qaadeen Hotelka SYL uu socday ilaa 8-saacadood ayna gudaha hotelka mudo maamulayeen kana geesanayeen toogashooyin.

Warbaahinta Al Shabaab taageerta ayaa soo bandhigtay magacyada dad lagu sheegay in lagu dilay weerarkii Hotelka SYL iyo kuwa lagu dhaawacay, waxa ayna Al Shababa dadkaasi ku sheegeen masuuliyiin , saraakiil iyo shaqaale dowladeed.

Halkan ka Akhriso Magacyada dadka ay Shabaab sheegeen in lagu dilay Weerarka SYL

1- C/Qadir Cumar Cabdi oo ahaa Garsoore kamid ah maxkamadda racfaanka,

2- Maxmuud Ismaaciil Muuf oo katirsanaa saraakiisha ciidanka ilaalada Madaxtooyada.

3- Cali Daahir Salaad oo Al Shabaab sheegeen in uu ahaa Sarkaal ka tirsan wasaarada Dasuutrka

4-Fu’aad Ugaas Yacquub oo Shabaab ku sheegeen  Sarkaal ka tirsan Bankiga Dhexe

5-Nin magaciisa lagu soo koobay Ibraahim oo Al Shabaab sheegeen in uu ahaa agaasimaha waaxda dhaqan celinta Wasaaradda Amniga
6-C/Qani Cumar Maxamuud oo ahaa Sarkaal ka tirsan Wasaarada Dekadaha
7-Liibaan Nuur Cali oo ahaa Sarkaal katirsan Police-ka loo yaqaano HaramCad
8-Ilyaas Carab oo Al Shabaab sheegeen in uu ahaa Sarkaal ka tirsan hay’adda Nabadsugidda
Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in weerarka lagu qaaday hotelka SYL ee magaalada Muqdisho dhaawacay Xildhibaano, masuuliyiin iyo saraakiil kale oo katirsan dowlada federaalka Soomaaliya.
Taliska booliiska Soomaaliya ayaa dhankooda war kasoo baxay lagu xaqiijiyay geerida lix Qof oo labo kamid ah ahaayeen ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya kuwaa oo lagu dilay weerarkii ka dhacay Dhismaha Hotelka SYL.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -