(Sawirro) Maxkamad nin Maraykan ah ku heshay inuu dil ugu hanjabay Ilhaan Cumar

Nin Maraykan ah oo horey ugu hanjabay inuu dilayo Ilhan Cumar oo ka mid ah Congresska dalkaas ayaa la soo taagay maxkamad.

Ninkan oo magaciisa la yiraahdo Patrick Carlineo oo 55 sano jir ah ayaa qirtey inuu sameeyay hanjabaada, isagoo isku tilmaamay inuu yahay qof wadani ah oo neceb argagaxisada.

Xeer Ilaaliyaha Mareykanka James Kennedy, ayaa sheegay in xorriyadda hadalka ay sharci tahay balse aysan ku jirin in dil loogu hanjabo Xildhibaan Mareykan ah.

Ninkan oo la sheegay inuu ka mid yahay cadaanka xagjirka ah ayaa Ilhaan Cumar dil ugu hanjabay Bishii Maarso ee sanadkan isagoo argagixiso ku eedeeyey.

Carlineo oo haddii dembigan lagu helo muteysan doona xarig 10 sano ah ayaa sidoo kale qirtey inuu haystay hub xili horey looga mamnuucay.

Maxkamadda in Patrick Carlineo lagu helay Dambiga isla markaana xukunkiisa kama dambeysta ah lagu dhowaaqayo 14ka Febraayo ee sanadka dambe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -