Dagaal ka qarxay buuraha gobolka Bari iyo Xoogaga Al-Shabaab iyo Daacish oo..

Dagaalo ayaa la sheegayaa in labadii cisho ee la soo dhaafay ay ka socdeen degaano buuraley ah oo ka tirsan gobolka Bari ee degaanada Puntland, iyadoo dagaaladan ay dhexmarayaan xoogag kala taabacsan Al-shabaab iyo Daacish oo halkaas ku wada sugan.

Saraakiil ka tirsan kuwa amniga Puntland iyo goob joogayaal kale ayaa ku waramaya in dagaalkan uu ka socdo dhowr meelood oo ay ka mid yihiin togaga Dadamale iyo degaano hoos taga degmada Balidhidin.

Dhulka lagu dagaalamayo ayaa la sheegay inuu yahay Buuraley qarfo ah, waxaana illaa shalay, xalay iyo saaka laga maqlayaa qaraxyo iyo rasaas culus oo la isweydaarsanayo.

Waxaa aad u adag in la ogaado khasaaraha nafeed ee kala gaaray labada dhinac, iyadoo isgaarsiinta degaankaas ay liidato, masuuliyiinta maamulka Puntland ayaan weli si faahfaahsan uga hadlin dagaalkan.

Labada kooxood ayaa siyaabo kala gooni ah dagaal adag ugula jira dowlada Somalia, dowlad goboleedyada xubnaha ka ah iyo ciidamada shisheeye ee dalka jooga.

Inkastoo aan la ogeyn sababta dhalisay dagaalkan u dambeeyey haddana waxaa la ogyahay in labada kooxood oo wada sheegta iney islaamiyiin ay muddo badan ka dhexeysay colaad soo laalaabatay, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in labada dhinac ay maalmahanba ku jireen diyaar dagaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -