Al Shabaab oo Beenisay War kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika

Al Shabaab ayaa markii ugu horeesay ka hadashay duqeymo khasaaro geestay oo diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka ka fuliyeen deegaano katirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose.

Sargaakl katirsan Al Shabaab oo la hadlay Warbaahinta Al Shabaab taageerta ayaa beeniyay war kasoo baxay dowlada Mareykanka oo ku aadanaa in dagaalyahano badan ku dileen duqeyn ka dhacday gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay sargaalkan in been abuur tahay warka kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika ee ku aadan in duqeymo ka dhacay gobolka Hiirana lagu dilay dagaalyahano badan oo kooxdaasi katirsan.

Al Shabaab ayaana qiratay in mid kamid ah duqeymaha ka dhacay gobolka Hiiraan lala helay gaari booyad ah ay lahaayeen uuna ku dhintay darawalkii waday booyadaasi, waxa ayna Shabaab meesha ka saareen khasaaraha badan ee Mareykanka sheegay.

Waxa ay sidoo kale Al Shabaab beenisay in xubno iyaga katirsan uu khasaaro kasoo gaaray duqeyn ka dhacday deegaanka Kuunyo Barow ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxa ayna Shabaab sheegeen in duqeyntaasi ku dhinteen macalin dugsi iyo cunug saqiir ah.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa war kasoo baxay lagu sheegay in duqeyn 25-kii bishan ka geesteen deegaano katirsan gobolka Hiiraan lagu dilay 20-ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -