Xuutiyiinta Yemen oo shaaciyey iney qabsadeen Maraakiib midkood Sacuudigu leeyahay

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa shaacisey inay koonfurta ee Badda Cas ku qabsadeen saddex markab oo midkood Sacuudigu leeyahay.

Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sheegtay in dagaalyahannada kooxdaasi ay Saddexda Markab ku qabteen meel qiyaastii 5-km u jirta jasiiradda Cuqbaan markii ay soo galeen biyaha Yemen iyaga oo aan wax ruqsad ah weydiisanin.

Xuutiyiintu waxay intaas ku dareen in shaqaalaha markaabiistaasi ay dhegaha ka furaysteen digniino ay siiyeen ilaalada xeebaha, iyagoo ku eedeeyey iney si bareer ah u jebiyeen xeerarka caalamiga ah kuna xad gudbeen madax bannaanida Yemen.

Maraakiibtaas ayaa la geeyey dekadda Saliif isla markaana waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan sida ay sheegeen kooxda Xuutiyiinta Yemen.

Sacuudiga ayaa hore u xaqiijiyey in Xuutiyiintu Badda Cas ku afduubeen markab jiidayey agabka saliidda ka qoda badda oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -