Shacabka Muqdisho oo hal arin darteyd uga niyad jabay Gudoomiye Cumar Finish

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay hadal markii la magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Finish jeediyay oo ahaa in uu furayo wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho.

Cumar Finish ayaana marar badan ku cel celiyay in la furayo wadooyinka magaalada Muqdisho ee dhagxaanta iyo biraha lagu xiray, waxa uuna magacaabay guddi arintaasi ka shaqeeya.

Dad badan ayaaba markii hore rumeesnaa in balan qaadka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  ee ku aadanaa in wadooyinka la furayo kaliya ahaa mid la iska dhahay oo sacab iyo taageero lagu raadinayay balse aysan sahlaneyn in si fudud loo fuliyo.

Cumar Finish ayaa ugu dambeyn cadeeyay in kaligiis uusan go’aamin karin in la furo wadooyinka xiran, waxa uuna tilmaamay in Madaxda sare ee dalka ay raali ka yihiin in wadooyinka xirnaadaan si qaraxyada iyo falalka amaan daro looga hortago.

“Dhibaato amni oo jirta ayey waddooyinka Muqdisho u xiran yihiin, madaxda dalkuna waxay go’aansadeen “inta la dhammaan lahaa hala dhibtoodo” ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish

Shacabka magaalada Muqdisho ayaana ka niyad jabay hadalkan cusub ee kasoo yeeray Gudoomiyaha gobolka Banaadiur, shacabka ayaana rajo yar ka qabay in la furo wadooyinka hasa ahaatee hada meesha ka saaray rajadaasi

Waxa ay aaminsanaayeen shacabka Muqdisho qaarkood hadii Gudoomiyaha gobolka Banaadir dadaalo ku guuleesan karo in la furo ama la dabciyo wadooyinka xiran balse hada ogaadeen in uusan awoodaasi laheyn.

Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa intooda badan lagu xiray dhagxaan, waxaana isgoosyada furan ee laamiyada Muqdisho iyana aan loo ogeyn in ay ka gudbaan gaadiidka ay watana dadka shacabka ah iyo kuwa dadweynaha .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -