Kala Shaki Soo kala Dhexgalay Dowladaha Soomaaliya, Mareykanka Iyo Imaaradka

Dowladda Soomaaliya ayaa la kulantay caqabado gudaha iyo dibadda ah Afartii bil ee u dambeesay waxaana ay wadaa olole xoogan oo dalka looga saarayo rabshadihii kala duwanaa ee uu soo maray.

Soomaaliya ayaa qorshaheedo yahay in amaanka ay kala wareegto howlgalka AMISOM oo ciidamada dowladda lagu wareejiyo dhamaan goobaha AMISOM baneyso iyadoo laguda galay xiliga kala guurka.

Mareykanka ayaa shaqada ka ceyriyay  Xoghayayii arimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson oo qorsheynayay in uu booqasho ku tago dalalka bariga Africa.

Kala shakiga dowladahan ayaa sii xoogeystay Markii Baarlamanka Soomaaliya uu dalka ka mamnuucay Shirkadda DP World oo laga leeyahay Imaaradka Carabta taa oo heshiis la saxiixatay Maamulka Somaliland.

Faragelinta Reer Galbeedka Iyo Danaha Imaaradka Ee Soomaaliya.

Dr Abdiwahab Abdi oo ah khabiir dhanka siyaasadda ah isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii soo maray wadamada South Arica iyo Kenya ayaa waxa uu sheegay in reer galbeedku siyaasadoodu aheyd mid Soomaaliya ay kaga warqabayaan kaliya iyagoo tooda fiirsanayana waxaana reer galbeedku  Soomaaliya ka howlgeliyeen dalka Imaaradka Carabta oo ay isku haleyn karaan si danahooda ay u gaaraan.

“ Imaaradku waxa uu ka shaqeynayaa inuu Soomaaliya labo u kala qeybiyo, una sii qeybiyo dalalka deriska la ah, isagoo taageero ka helaya xulafadiisa reer Galbeedka si loo xaqiijiyo nuuc gumeysiga kamid ah oo gobalka saameeya si danaheeda dhaqaalo u fiirsadaan” sidaasi waxaa Wargeska Daily Nation u sheegay Dr Abdiwahab Abdi oo siyaasadda Africa ka faalooda.

Imaaradka carabta ayaa si joogta ah u bixinayay lacagta uu siiyo ciidamada uu tababaray mana jirin teegeero uu siin jiray Ciidamada Militriga Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa si weyn kaga shakisay Dowladda Imaaradka Carabta “ waxaa jira shaki aan ka qabno lacagtii imaaradka aan kala wareegnay waxaan u fahanay in Gudoomiyihii golaha Shacabka lagu badbaadin rabo iyadoo xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay Mooshin ka gudbiyeen islamarkaana ay ka cabanayaaan” sidaasi waxaa yiri sarkaal ka tirsan wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya oo la hadlay Daily Nation islamarkaana magaciisa qariyay sababa jira aawadeed.

Waxaa sidoo kale sarkaalkan ka tirsan dowladda Soomaaliya uu sheegay in xeriir taariikhi ah ay wadaagaan Imaaradka iyagoo mashaariic kala duwan ka hergeliyay Soomaaliya balse waxa uu hoosta ka xariiqay in khilaafka uu salka ku hayo Heshiiska Imaaradka uu la saxiixday Maamulka Somaliland si uu isticmaalo dekadda Berbera iyadoo laga howlgelinayo shirkadda DP World oo itoobiya saami ay ku yeelatay.

Xasaradaha Qatar Iyo Kala Shikiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaatay go’aan dhexdhexaad markii uu soo ifbaxay khilaafka Khalejka Carabta iyadoo iska diiday iney xeriirka u jarto dowladda Qatar, waxaana taasi Soomaaliya ay ku heshay lacag dhan $200 million oo Mahaariic horumarineed dalka ugu hergelineyo Xukuumadda Doxa.

Madaxweynaha Mareykanka Donlad Trump ayaa taageersan go’doomintii dowladda Qatar isagoo horay ugu dhaga hadlay Qatar mar uu yiri ( waa in meesha laga saaraa dowladaha teegeera argagixsada) intaas kadib xoghayiisii arimaha Dibadda Rex Tillerson ayaa bilaabay olole dhexdhaxaadin ah oo ujeedka Trump ahaa  in cadaadis la saaro Qatar si Dowladda Iran ay u jarto xeriirka kala dhexeeyo Doxa.

Rex Tillerson ayaa isaga haray dhexdhaxaadinta ,waxaana Imaaradka uu bilaabay olole Teleroson xilka looga tuurayo sida warbaahinta BBC-da ay ku heshay Fariimo  qarsoon oo Imaaradku u dirayay sharci yaqaanada, Soomaaliyana waxa ay ku jirtay qeybta dhexe.

Dowladda Mareykanka ayaa ka soo horjeesatay in ay qirato doorka ay ku laheyd in la farageliyo arimaha Soomaaliya sida uu sheegay Robyn Mack oo ah afayeenka taliska howlgalka Mareykanka ee qaaradda Africa (AFRICOM) isagoo xusay in ujeedka Mareykanka uu yahay sidii Soomaaliya looga sifeyn lahaa dagaalyahada Al Shabaab.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

Abdiazizh99@gmail.com

Xigasho: Daily Nation

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -