Madaxweyne hore oo dhaliilay Hanjabaadii kasoo yeertay Sheekh Shariif

Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay hadalkii hanjabaada ahaa ee dhawaan kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

C/qaasim Salaad ayaa sheegay in laga haboonaa hanjabaadii kasoo yeertay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in xiligan laga fiican yahay in uu dhaarto Madaxweyne hore uuna yiraahdo sidaas ayaana sameenayaa.

”In uu sidaa u hadlo madaxweyne hore ma haboona oo u dhaarto dowladda waxaas ku sameynayaa yiraahdo, haddii dowladda qalad gasho Baarlamaan ayaa jooga, iyaga laga rabaa inay la xisaabtamaan”ayuu yiri C/qaasir Salaad.

Waxa uu sheegay Madaxaweynihii hore ee Soomaaliya in ay muhiim tahay in lala shaqeeyo cid kasta oo la doorto inta talada hayaan, waxa uuna kula taliyay siyaasiyiinta mucaaradka in waxii khalad ah ay kala hadlaan madaxda kalana taliyaan.

C/qaasim ayaa sheegay in uu rajeenayo in xiligan adag gacmaha la is qabsado oo dadka wax loo qabto, waxa uuna ka digay in xiligan laga shaqeeyo in dadka la iska horkeeno colaadna loo sacaba tumo.

Hadalka C/qaasim Salaad Xasan ayaa imaanaya xili dhawaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku hanjabay in dowlada iska celinayaan hadii aysan joojin cadaadiska ay kooxdiisa ku heyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -