Federaalka fasahaaday ee Soomaaliya iyo Dhibaatooyinka ka dhalan kara !!

Aduunka waxaa ka jira sedax System oo Dowladnimada lagu dhiso (Unitary, Federal iyo Confederate)

206 dal ee aduunka ka jira ee UN-ka aqoonsan tahay inta qaadatay Federal System wa 25 dal, Africa waxaa qaatay dalal ay kamid yihiin Nigeria, South Sudan, Ethiopia iyo Sudan. Waa jireen dalal kale oo Africa ah oo lagu dayay balse markii danbe iska diiday sida Kenya.

Federaalka sida System yada kale ee Dowlad lagu dhiso waxa uu leeyahay Faa’idooyin iyo Dhibaatooyin. Hadafka guud ee Federal System ka waa wadaagida awoodaha si la is kugu hayo dad kala tagi kara ama isku keenida dad kala tegay, balse Federaalka fasahaaday ee Soomaaliya ma jirto aduunka meel uu ka jiro.

Soomaaliya in lasoo hadal qaado Federaal System waxaa keentay duruufihii jiray kadib burburki Dowladii Dhexe iyo is aaminaadi Soomaalida dhexdeeda oo meesha ka baxday, si la is kugu keeno umadda Soomaaliyeed waxaa xal loo arkayay markaa in la qaato Federaal System.

Balse Nasiib darada dhacday ayaa ah in aan laga baaraan degin nooca Federaal ee aan qaadaneyno, fahamka dad keena u leeyihiin, cida aynu nahay (Soomaalidu waa isku Diin, Af iyo Dhaqan) arimahaa oo dhan waa laga dul booday, shisheeye doonaya in Soomaaliya la qeybiyo ayaa hoosta naga galiyay.

Dadkii markaa Soomaalida xageeda ka socday na ma ahayn dad aqoon u leh waxa socday oo waxaa aad loogu dadaalay in aqoonyahanka Soomaaliyeed laga ilaaliyo howlihii socday shirarkii Addis Ababa, Carte iyo Imbagaati.

Ansixinta Dastuurka odayaal baa meel lagu xareeyay oo lagu yiri gacanta u taaga (Odayaasha soo jeedin toodi ee sixitaanka Qodobadda qaar iyo Qodobadda ay ku dareen ba waa laga tagay) Dastuurki qabyo qoraalka ahaa na ilaa hada waa la dhameystiri la’a yahay, waxaa taa sii dheer in sida uu ahaa aan loogu dhaqmin oo isagoo sidiisii u qariban ayaa marba qoladii markaa taladda heysa ku tumataa.

Dowladaha aduunka kuwooda ugu horumarsan ee heysta System ka Federaalka waxaa hormuud u ah Maraykanka, Dastuurkooda waa kala qeexayaa awoodaha Dowladda Dhexe leedahay, kuwa Maamul Goboleedyada iyo kuwa ay wadaagaan. Tusaale, Arimaha Difaaca, Xiriirka Dibbeda, Siyaasada Lacagta iyo Jinsiyadaha waxay gaar u tahay Dowladda Dhexe halka Arimaha Garsoorka, Doorashooyinka, Canshuuraha, Nabadgalyada ay la wadagaan Maamul Goboleedyada.

Madaxda Goboladda waa Guddoomiyaal Gobol, meesha kaliya ee anaga nala midka ah ee Madaxda Goboladda loogu yeero Madaxweyne waa dalka Ethiopia.

Dhibaatooyinka ka dhalan kara Federaalka fasahaaday ee Soomaaliya waxaa ugu weyn in meesha ay ka baxdo midnimadda umadda Soomaaliyeed oo qabiil walba gooni ula goosto waxi yarka ahaa ee uu heystay. Arintaa waa tan hada taagan oo saan saan teedu ay muuqato, in sidaa wax noqdaan waa hadafka laga lahaa Federaalka noocan ah ee hoosta nagala galiyay oo dana shisheeye ka danbeeyeen, danta laga leeyahay na ay tahay Soomaaliya in lagu qeybiyo.

Waxaa arkeysaa Hogaamiye Maamul Goboleed oo diidaya title ka hooseeya Madaxweyne, qaar baa diida title ka Maamul Goboleed, markay doonaan na waxay yiraahdaan xiriirka ayaan u jarnay Dowladda Dhexe! (sida inay yihiin laba Dowlad oo siman oo kala madax banaan) waxa ay heshiisyo caalami ah aysan Dowladda Dhexe ogeyn lasoo saxiixdaan dalal kale (dalalkaas badankood wa cadowga Soomaaliya) arintaas oo halis weyn ku ah Qaranka Soomaaliya.

Arimahaas iyo kuwa kale oo badan oo halis ku ah jiritaanka Qaran Soomaaliyeed oo mideysan ayaan ka dhaxalnay nooca Federaal ee hoosta noola galiyay.

Soomaalida inkastoo dagaalo iyo burbur dheer kusoo jireen, hadana wa dal iyo umad Alle SWT, ka dhigay isku Diin, Af iyo Dhaqan, si kastoo loo kala haaday oo la isu dilay waxaa mar walba muhiim ah in laga fikiro danta guud iyo midnimadda umadda, nooca Federaal ee hada aan ku dhaqano taas ma keenayo.

Hadaba maxaa xalku ku jiraa si midnimadda iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed loo ilaaliyo?

Hadii la yiraahdo Soomaali waa kala aamin baxeen cadaalad daro baahsan ayaa jirta Dowlad Dhexe oo xoogan ‘Unitary System’ (oo ah system ay ku dhaqmaan 166 Dowladood oo aduunka ah) dadkii waa ka soo horjeedaan xiligaan (dadkaas badankood waa siyaasiyiin) si la is kugu hayo Soomaali Federaal System waa muhiim, waxaa hadaba qasab ah in Federaalkan fasahaaday la saxo oo awoodaha Dowladda Dhexe si cad loo qeexo awoodaha Maamul Goboleedyada iyana la cadeeyo iyo kuwa ay wadaagayaan. Dastuur ilaalinaya midnimadda umadda Soomaaliyeed la sameeyo Shacab kana afti u qaado oo ay iyagu ansixiyaan, sidaana uu ku noqdo Dastuur xalaal ah oo Shacabka raali ka yihiin.

Inta taa laga gaarayo Soomaaliya waxa ay ku jireysaa xaaladan foosha xun iyo isbar bar yaacan baahsan, taa oo halis ku ah midnimadda iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

W/Q: C/llaahi Samoow

Abdullahisamow@hotmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -